| Radio |
Click on a category to chose your favorite kind of music
|
|
| Madaxweyne Shiikh Shariif oo kulan looga hadlay arimaha ammaanka la qaatay Xubno ka mid ah golihii wasiirada Xukuumadii Nuur Cadde. |

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa kulan looga hadlay arimaha ammaanka la qaatay Xubno ka mid ah golihii wasiirada Xukuumadii Nuur Cadde.
Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay gudaha xarunta madaxtooyada afhayeenka dowlada kmg Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa waxaa uu shaaca kaga qaaday in maanta kulan dheer yeesheen hogaanka sare ee Maxakiimta islaamiga,saraakiisha sar sare ee ciidamada dowlada,wasiiradii xukuumadda Ra’iisul wasaare Nuur Cadde iyo madaxweynaha cusub ee dowlada sheikh Shariif Shiikh Axmed.
Afhayeenka ayaa sheegay in kulamadaasi intooda badan looga hadlayay sida loo xaqiijio ammaanka gudaha magaalada Muqdisho iyo weliba sidii la isugudari lahaa labada ciidan ee dowlada iyo xoogaga Muqaawamada isla markana loogu sameeyn lahaa hogaan mideysan,waxana uu tilmaamay afhayeenka in arimahaasi la go’aansaday in gudi loo saaro.
Hadalka maanta ka soo yeeray afhayeenka dowlada kmg Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa waxaa uu imaanaya xili madaxweynaha ay kulamo xasaasi ah la qaateen hogaanka sare ee Maxkamadaha islaamiga ee gudaha,waxana la ogeyn waxyaabaha ay ka badali doonaan xaalada murugsan ee ka jirta dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho kulamadani iyo qodobada ay isla soo qaadeen labada dhinacay
|
| Madaxweynaha oo kulamo ammaanka looga hadlayay la qaatay gudiga dhex dhexaadinta culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye. |
Madaxweynaha ayaa kulamo ammaanka looga hadlayay maanta la qaatay gudiga dhex dhexaadinta culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.
Kulankani uu madaxweyne shariif la qaatay gudiga musaalixada iyo odayaasha ayaa waxaan uu ahaa mid looga wada hadlayay sidii magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya nabadiisa looga shaqeeyn lahaa iyo sidoo kale wadatashiyo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaare ay yeelato dowladiisa oo laga sugayo in uu soo magacaabo madaxweynaha.
Kulankani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay balan qaad uu madaxaweynaha sheegay marka uu soo gaarayay magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay in uu kulamo la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Gudigani u istaagay musaalixada xoogaga muqaawamada ayaa waxaa hor kacdayay gudoomiyahooda sheikh Bashiir Max’ed Salaad iyo weliba afhayeenka gudigaasi sheikh Nuur Baaruud Gurxan,halka odayaasha dhaqanka ay hor kacayeen afhayeenka golahaasi Axmed Diiriye Cali iyo afhayeenka dhanka siyaasada Cabdullaahi Dheere,waxana uu ku soo dhamaday jawi wanaagsan iyadoo la isla afgatyay dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay.
|
| Golaha dhaqanka beelaha Hawiye oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeeray Dr. Cumar Iimaan Abubakar oo ahaa.. |
Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ahaa afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay uu ka jeediyey warshadii baastada ee magaalada Muqdisho guddoomiyaha xisbiga Islaamka Somaliyed Dr. Cumar Iimaan Abukabar oo ahaa iney sii wadi doonaan dagaalka Jihaadka ah ee ka dhanka ah wax uu ugu yeeray ciidamada cadowga iyo kuwa dabadhilifka u ah.
Waxa uu sheegay nabadoon Diiriye in hadalkaasi uu dhabar wareen ku yahay kulamo uu sheegay in maalmahanba ay u socdeen dhinacooda iyo saraakiil ka tirsan garabka Dr. Cumar Iimaan Abubakar oo ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in hadalada noocaas ah oo nabada wax u dhimaya uusan ka fileyn inuu kasoo yeero mas’uul sidaasoo kale ah sida uu hadalka u dhigay.
“Dr. Cumar Iimaan anigu aqoon badan uma lihi hase ahaatee waxaa na loogu sheegay inuu yahay nin aqoonayahan ah, waxaana ka xunahay, wax na qabtana aan aheyn in anagoo intaasoo sano dalka u joognay ciidamaada Itoobiya sidii aan dalka uga saari laheyn una dhabar adeygaynay uu maanta yimaado magaalada Muqdisho Dr. Cumar Iimaan markii ciidamada Itoobiya ay ka baxeen dalka, kuna dhawaaqo dagaal, isagoo aan kulamo la yeelan odayaashii iyo waxgaradkii magaalada oo weydiin sida ay wax u jiraan” ayuu yiri nabadoon Axmed Diiriye oo dhinaca kale cambaareeyey madaafiicdii shalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
|
| Mas’uuliyiinta Midowga Maxkamadaha Islaamka Somalia oo tafaasiil ka bixiyay kulamo ay shalay la qaateen madaxweyne Shariif |
Afhayeenka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee dhinaca Hawl gallada Sheekh C/raxiin Ciise Caddow ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay kulamo saacado qaatay oo shalay qaateen hoggaanka Gudaha Maxkamadaha Islaamiga iyo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh C/raxiin Ciise Caddow wuxuu sheegay in kulanka dhex maray madaxweynaha iyo hoggaanka gudaha ee Midowga Maxkamadaha laysula soo qaaday arrimo ay ka mid ahaayeen sii wadidda barnaamijka dib-u-heshiisiinta iyo dhamaynta mugdiga soo kala dhex galay walaalaha Mujaahidiinta Soomaaliyeed, ku dhaqanka shareecada Islaamka in in taageero loo fidiyo dadka ku naafoobay halgankii ka dhanka ahaa ciidamada cadowga ee dalka laga saaray, caruurta agoonta ah oo ay aabayaashooda ku shahiideen, wuxuuna intaasi ku daray in dhammaan qodobadaasi ay isku af garteen.
Sheekh C/raxiin Ciise oo la waydiiyay cidda dhex-dhexaadinaysa dawladda cusub iyo garabyada hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa sheegay in culima’udiinka ugu waawayn dalka Soomaaliya ee waday masaalaxada ay arrintaasi u xil saarayaan, wuxuuna intaasi ku daray in xilligan loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed lagama samatabixiyo dhibaatada muddada dheer haysatay maadaama uu cadowga ka baxay, isagoo hoosta ka xarriiqay in waxa ay u dagaalamayeen ay ahayd in dalka laga hirgeliyo ku dhaqanka shareecada Isalamka, haatanna ay taasi suurto gashay .
|
| Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Somalia oo ka hadlay sababihii looga jawaabi waayey duqeyntii shalay loo geystay Villa Somalia |
Gelinkii dambe ee shalay ayaa kale tiro hoobiyayaal ah waxaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Dowladda Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay soo gaareen magaalada Muqdisho ka dib doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti ee isaga madaxweyne loogu soo doortay.
Madaafiicdan lagu weeraray xarunta madaxtooyada shalay gelinkii dambe ayaaney jirin wax jawaab ah oo laga bixiyay, sida looga bartay xilliyadii hore oo ay madaxtooyada ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo ilaalada madaxweynihii hore ee C/llaahi Yuusuf.
Haddaba waxa arintaasi ka hadlay Sarkaal dhinaca ammaanka u qaabilsan xarunta madaxtooyada Filla Somalia oo saxaafadda la hadlay isagoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda lala soo bartilmaameedsaday xarunta madaxtooyada, balse aysan jirin wax madfac ah oo gudaha ugu soo dhacay madaxtooyada, wuxuuna intaasi ku daray inay madaaficdaasi ay ku dhaceen qaybo ka mid ah degmada Wardhiigley.
Wuxuu sheegay in sarkaalkaasi in madaxweyne shariif uu amar deg deg ah ku bixiyey in aan wax jawaab ah laga bixinin madaafiicdaasi maadaama ay garanayaan ujeedada laga damacsan yahay oo ah in layska hor keeno shacabka iyo dawladda cusub ee uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray in waxa kaliya oo ay haatan xoogga saarayaan ay tahay inay nabadda iyo deggenaanshaha ka shaqeeyaan.
|
| Dab xoogan oo xalay ka kacay suuq ku yaala gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa gaystay qasaare hantiyeed |
Waxaa xalay uu dab ka kacay suuq ku yaalla degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo baabi’iyay labo bakhaar oo waawayn oo ay ku jireen raashin iyo badeeco kala duwan, waxaana dabkaasi uu ka dhashay qashin lagu gubayay nawaaxga bakhaaradaasi, waxaana sii caawiyay dabeylo xooggan oo halkaasi ka dhacayay.
Dadwaynaha ku dhaqan nawaaxiga suuqa uu dabka qabsaday ayaa u soo gurmaday inay dabkaasi bakhtiijiyaan iyagoo adeegsanayay biyo iyo carro, mana jirin wax qasaare nafeed ah oo uu sababay dabkaasi marka laga reebo raashinka iyo badeecadaha kale ee ku bas beelay labadaasi baqaar.
Xoogagga Islaamiga ee gacan ku haya degmada Afgooye ayaa markii uu dabkaasi kacay isku gadaamay suuqaasi si ay uga hortagaan bililiqo suuqaasi ka dhacda, waxayna ciidamadaasi gebi ahaanba hor istaageen in wax alaab ah laga bixiyo bakhaarada iyo dukaamada kale ee u dhowaa bakhaarada uu dabka ka kacay.
|
| Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo Canbaareeyay dilkii wariye Siciid Tahliil Axmed. |
Madaxweynihii hore ee soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa canbaareyn dusha uga tuuray dilkii wariye Siciid Tahliil isagoo shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in laga hortago falalkan oo kale
Madaxweynihii hore ee soomaaliya Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ka hadlay falkii dhawaan lagu dilay Agaasihii shirkada warbaahinta Hornafrik Saciid Tahaliil Axmed.
Dr.C/qaasim waxa uu sheegay in falkaasi ahaa mid laga xumaado isla markaana ay geysteen kuwa wax magarato ah oo kasoo horjeeda horumarka bulshada isla markaana si macno daro ah u leynaya dadka waxgalka ah ee ushaqeynaya umadooda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan waxa uu sheegay in dilka loogeystay wariye Siciid Tahliil uu yahay mid dhabar jab ku ah umadda Soomaaliyeed isagoo arintaas uga tacsiyadeeyay qoyskii iyo eheladii uu katagay iyo guud ahaan bahda saxaafada Soomaaliyeed.
Dr.C/qaasim waxa uu sidoo kale ugu baaqay qeybaha bulsha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho in ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha sameynaya falalkaan oo kale ee dilaya dadka bulshada qiimaha u leh isla markaana aan xiligan loo baahneyn in ay sii socdaan falalka noocaan oo kale ah.
Ugu danbeyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan waxa uu usoo jeediyay saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay udhabar adeygaan waxyeelooyinka kasoo gaareysa kuwa waxmagaratada ah isla markaana ay bulshada ugu adeegaan si hufnaan iyo howlkartino xanbaarsan.
|
| Madaxweyne Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka soo degay magaalada Muqdisho |
Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo degay magaalada Muqdisho kuwaasi oo kulamo xarunta Madaxtooyada kula leh Hogaanka Sare ee Maxkamadaha.
Madaxweynaha dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi ka kooban 19-xildhibaan ayaa ka soo degay garoonka Aadan Cadde ee magaaalada Muqdisho iyagoo ka soo kicitimay magaalada Jabuuti ee wadanka Jabuuti.
Madaxaweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay keentay diyaarada qaas ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Ciidamada AMISOM,Kuwa dowlada kmg iyo Madaxda hogaanka sare ee Maxkamadaha islaamiga ee dalka Soomaaliya iyo weliba dadweyne farabada oo watay boorar ay ku asteesan yihiin sawirada Madaxweynaha iyo Erayo ay ku soo dhaweeynayaan,waxana gaado ka cayaar soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM kuwaasi oo uu Madaxweynaha ka qaatay salaan sharaf ay ku soo dhaweeynayeen.
Madaxweynaha oo warbaahinta uga waramayay Imaatiinkiisa markii ugu horeeysay tan iyo markii loo caleemo saaray xilka Madaxaweynenimo ayaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu ka dhaadhiciyo bulshada Soomaaliyeed Nabada,waxana uu ugu baaqay xoogaga ka soo hor jeeda in ay wada hadlaan oo ay iska iloowaan hurinta dagaalada.
Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ka soo galbiyay dabaabaad ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo weliba Gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Maxaakiimta islaamiga kuwaasi oo soo gaarsiiyay Xarunta Madaxatooyada ee Vila Somalia,waxana maanta isbadal muuqada laga daareemay wadada Makka Al Mukarama halkaasi oo ay kuwada sugnaayeen ciidamo ka wada tirsan xoogaga Maxkamadaha iyo kuwa dowlada kmg oo ay wada sugayeen ammaanka wadadaasi.
Dadweyne watay Caleemo qoyan iyo boorar ay ku dhagan yihiin sawirada madaxweyne Shiikh Shariif ayaa waxaa ay dhinacyada ka safnaayeen Wadada ka soo tagta garoonka soona gaarta illaa xarunta Madaxtooyada ee Vila Somalia.
Guud ahaan waxaa xiranaa dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka ee wadada Makka Al Mukarama xiliga uu madaxweynaha uu ka soo degayay garoonka waloow markii danbe ay dib u furantay wadadaasi.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa waxaa ay kulamo kula leeyihiin xarunta madaxtooyada ee Vila Somalia Hogaanka Sare ee Maxaakiimta islaamiga iyo siyaasiyiin kale oo iyagana booqasho ugu yimid Madaxweynaha.
Waa markii ugu horeeysay ee Madaxweynaha dowlada Midnimada Qaran Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo Markii loo doortay Madaxweynenimada dowlada Soomaaliya.
|
| Aqoon kororsi soconaya 3 maalmood ayaa maanta uga furmay Baarlamaanka DKMG Soomaaliya guriga umadda ee wadanka Jabuuti |
Siminaarkani ayaa waxaa bixinaya Machadka National Democratic Institiute wuxuuna soconayyaa muddo 3 maalmood.
Siminaarka ayaa waxaa looga hadlay sida Baarlamaanka uu u sameysan lahaa guddiyo dhowr ah isla markaana guddi walba loo xilsaaro arimaha uu taqassuska u leeyahay sida: dhexgalka bulshada,isu xirka shicibka iyo Dowladda iyo ka war heynta shicibka ay dhibaatadu wax yeeleysay.
Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullaahi(Cali Afgooye) oo u waramay websiteka Nadaara.com ayaa sheegay in siminaarkani loogu iftiimiyay sidii looga gudbi lahaa Dowlad ku meelgaar,waxqabadka Baarlamaanka looga baahanyahay,soo bandhigidda fikradaha Baarlamaanka hortiisa,la shaqeynta warbaahinta gudaha iyo qodobo kale oo dhowr ah.
Siminaarkan ayaa ah mid soconaya gelin hore iyo gelin dambe isla markaana lagu soo bandhigayo qodobada la doonayo in lagu soo gebo gebeeyo 3dan maalmood.
waa markii ugu horeysay uu Baarlamaanka DKMG Soomaaliya u furmo Siminaar tan iyo intii laysku daray 2da dhinac ee TFG iyo ARS 28kii Janaayo 2009 isla markaana noqday Baarlamaanka DKMG Soomaaliya |
| AU oo beenisay inay laayeen dad rayid ah |
Amisom ayaa dhowr jaho rasaas u riday xili ay halkaas marayeen dad far badan.
Inta la ogsoon yahay 41 qof ayaa ku dhintay, dhaawacana waxay ka badan yihiin 40.
Afhayeenka ciidamada Amisom oo shir jaraaid maanta ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dad kaas aysan ayaga dilin, wuxuuna sheegay inay weerar kaas gaysteen kooxihii bombka qarxiyay.
Afhayeenka oo la waydiiyay waxa uu ku cadaynayo in dadka aysan ayaga dilin, wuxuu sheegay in dadka qaar ay cad cad u go'een, taasna ay tahay qaraha oo kaliya laakiin rasaas aysan sidaa wax yeelin.
Ali muse Cabdi oo ka tirsan hayada gar gaarka caafimaad ee deg dega (Life Line Africa Nation link) oo dadka dhaawaca daadgureeyay, ayaa BBCda u xaqiijiyay in dadka badankooda ay soo qaadeen ay rasaas ku tiilay, ayna madaxa kaga tiilay.
Cali wuxuu sheegay inaysan jirin wax meesha uga soo horeeyay, wuxuuna sheegay in dadka ay qaadeen ay badankooda yihiin dad xabad ku dhacday.
Wuxuu sheegay dadka inay la socdeen Bus wayn iyo laba yar yar, inta kalena ay socdeen.
Qaar ka mid ah dad goob joogayaal ah iyo bukaanada, ayaa iyagana xaqiijinaya in markii miinada lala qarxiyay ciidamada Amisom, ay baabuurta joojiyeen oo rasaas ku fureen.
Ciidamada Amisom ayaa lagu eedeeyey sidoo kale inay haki galiyeen gurmadka caafimaadka degdega, iyagoo joojiyay baabuurtii dhaawacyada siday taasoo sababtay in ay dadka ay u dhintaan dhiig bax.
Dadka dhintay ayaa badankooda waxa ay ahaayeen arday ka soo noqonaysay iskuulo iyo jaamacado, iyo dad ka yimid bakaaraha.
Waxaa dareen caro wayn ka muujiyay arintan shacabka, maamulka gobolka banaadir, boliiska iyo odoyaasha dhaqanka.
|
| Dowladda Ethiopia oo beenisay in ciidamadeeda ay joogaan dalka Soomaaliya xili qaar ka mid ah Ciidamada Ethiopia ay ku suganyihiin qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan. |
Dowladda Ethiopia ayaa beenisay in ciidamadeedu ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka Soomaaliya xili ay ku suganyihiin deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiiraan.
Barkaad Siimoon oo ah afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Ethiopia aysan dib u gaalin gudaha wadanka Soomaaliya,waxaana uu ku tilmaamay hadalada ka soo yeeray dadka Soomaaliyeed ee la xariira in ciidamada Ethiopia gudaha Soomaaliya ay soo galeen ay tahay mid markaasi la doonayo in lagu baabi’iyo hormarka ay Soomaaliya ku tilaabsanayso.
Xukuumadda Addis Ababa waxaa ay sheegtay ciidamadeeda in ay ku hayso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia si ay u difaacaan dowladda Ethiopia hadii lacala ay Qatar la soo gudboonaato sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha u hadashay.
In kastoo ay dowladda Ethiopia inkirayso joogitaankeeda Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxaya eedeymo iyo cambaareynta loo jeedinayo ciidamada Ethiopia ee ku soo laabtay gudaha soomaaliya gaar ahaa deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiiraan.
Siyaasiyiin iyo cuqaal Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhaleeceeyay ciidamada Ethiopia ee gudaha ugu soo laabtay gobolka Hiiraan sida uu sheegayo Axmed Abroole Amiin oo ka mid ah siyaasiytiinta ka soo jeeda gobolka Hiraan oo ka dalbaday dowladda Ethiopia in arintaasi ay si dag dag ah ugu jawaabaan.
“annaga Ethiopia in aysan balan laheeyn horay ayaan u ogeyn oo hadda balankii ay qaaday wey ka baxday waana cambaaraynaynaa arintaasi”ayuu yiri Axmed Abroole Amiin oo la hadlayay idaacada Shabelle.
Ku soo laabashada ciidamada Ethiopia ay ku soo laabteen gudaha Soomaaliya iyo inkiridda dowladda Ethiopia ayaa waxaa lagu macneeyay in Ethiopia ay aysan wali gaarin dantii ay Soomaaliya ka laheyd taasi oo keenaysa in mararka qaar ay gudaha Somaaliya ku soo laabtaan.
|
|
| Login |
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
| Random Photo |
Mukhtar Ali Afgooye
|

| Shoutbox |
|
You must login to post a message.
No messages have been posted.
|
| Users Online |
Guests Online: 1
Members Online: 0
Total Members: 1
Newest Member: Afgooye47
|
|